Yemen oo Xabsiga ka sii deysay ku dhawaad 20 qof oo Soomaali ah
Dalka Yemen ayaa sii deysay ku dhawaad 20 qof oo Soomaali ah islamarkaana in mudo ah ku xirnaa xabsiyo kuyaala gudaha dalkeeda.
Xuseen Xaaji oo ka mid ah Qunsuliyada safaarada Soomaalida ee dalka Yemen ayaa waxaa uu ka hadlay sii deynta in ka badan 15 dhalinyaro Soomaaliyeed ah islamarkaana wata baasaboorada Yurub kuwaasi oo bilo ka hor ay dalkaasi ku xireen ciidamada dalka Yemen.
Waxaa uu sheegay Xuseen Xaaji in dhalinyaradaasi la qabtay labo bilood ka hor hase ahaatee baaritaano dhowr ah oo lagu sameeyay kadib la ogaaday in aanay dambi laheyd sidaasi darteedna dowladda Wadanka Yemen ay go’aansatay in 13-ka mid ah ay sii deyso halka labo kalana ay wali xabsiga ku jiraan.
Hadalkaani ka soo yeeray Masuulkaani ka tirsan Qunsuliyada Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Yemen ayaa imaanaya xili kumanaan qoxooti ah ay ku suganyihiin dalka Yemen iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ay jiraan dad farabadan oo ku jira xabsiyada dalka Yemen.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment