Somali Radio
Somali Linkz
Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe oo ka waramey safarkii uu ku tegey dalka Turkiga
Guddoomiyaha Baarlamanka Dowladda FKMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamad Nuur Aadan Madoobe oo booqasho ku jooga muddo afar maalmood ah Dalka Turkiga ayaa ka warbixiyey kullamo xasaasi ah oo ay la qaateen Madaxda wadankaasi.
Sheekh Aadan ayaa sheegay in dowladda turkiga kala hadleen xaalada xun ee ka jirta dalka Soomaaliya, iyo dagaalada wali ka soconaya oo ay kala soo horjeedaan xoogaga mucaaradka.
Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa sheegay Madaxweynaha Turkiga uu u gudbiyey warqad uu u soo dhiibay madaxweynaha Soomaaliya taasi oo u gudbiyey Madaxweynaha Turkiga.
Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka qeyb galo shir caalami ah oo ka dhacaya dalka Spain kadib marka uu dhamaysto booqashada uu ku joogo dalka Turkiga, waxaana shirkaasi oo ay ka soo qeyb galayaan madax ka kala socota dalalka Yurub, Afrika, Ameerika waxaana diirada lagu saaraya Xaalada Dalka Soomaaliya.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment