Maamulka Islaamiga ee Gobolka Shabeellaha hoose oo la kala diray.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan kasoo xiganay ilo ku dhow mas’uuliyiinta Xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa sheegaya in Wareegta kasoo baxday xafiiska madaxa gobolada ee Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin lagu sheegay in Maamulkii Islaamiga Gobolka Shabeellaha Hoose la kala diray isla mar ahaana maamul cusub loo magacaabay gobolka iyo degmooyimkiisaba.
Isbeddelkan Maamulka lagu sameeyay ayaa noqonayaa kii 3aad tan iyo intii maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose gacanta u galay Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin Dabayaaqadii Sanadkii 2008-dii,
Inkasta oo xubnaha cusub ee Maamulkaas si dhameystiran u helin xilalkooda iyo magacyadooda ayaa haddana waxa jira isbedel lagu sameeyey mas’uuliyiinta Gobolka,Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidamada waxana inta badan Mas’uuliyiinta cusubi yihiin wejiyo ku cusub Shacabka Gobolka Shabeellaha hoose.
Isbeddelka lagu sammeeyey Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose wuxuu ka mid yahay isbeddel guud oo Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ku sammeeynayaan Maamulada Gobolada hoos yimaada,.
Mas’uuliyiinta Ugu Sarreeysa Xaraka Alshabaab ayaa Bilihii lasoo dhaafay ku jiray socdaal ay ku marayeen Gobollada ay maamulaan,waxayna kulamo la qaadanayeen dhammaan qeybaha Bulshada ee Gobolladaas,iyagoo dhageysanaya Ashkatooyinka Bulshadu ka soo jeediyaan maamulada.
Masuuliyiinta Gobollada ku wareegaya ayaa waxa hoggaaminaya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka tirsan hoggaanka sare ee Alshabaab iyo Madaxa Siyaasadda iyo Gobollada Sheekh Xuseen Cali Fiidoow.
Maamulkan cusub ee loo magacaabay Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Usaama oo loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Marka halka Axmed Imbiile-na loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Awdheegle ayaa loo magacaabey C/llaahi Goobe,Taliyaha Ciidamada Degmada Baraawe ayaa loo magacaabey Cusmaan Gaab.
Si kastaba ha ahaatee isbeddelada lagu sammeeyey Maamullada Gobolka Shabeelaha hoose ayaa loo sababeynayaa aragtiyo iyo Cabashooyin ka soo baxdey Bulshada Gobolladaas ku dhaqan,waxana maamulada cusub laga filayaa inay soo jiitaan dhammaan Shacabka Gobollada maamulada cusub loo magacaabey.



del.icio.us
Digg
Comments (3 posted):
Post your comment