Home | News | Beesha Gare oo ka baxday Xisbul Islaam kuna biirtay Xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin.

Beesha Gare oo ka baxday Xisbul Islaam kuna biirtay Xarakada Shabaab Al-Mujaahidiin.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

 Kulan looga hadlaayay sidii Beesha GARE oo ku abtirsata Qawmiyada Digil iyo Mirifle ay uga soo baxi lahayd ururka Xisbul Islaam misna ay uga mid noqon lahayd Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,

Kulankan oo loogu magac daray Dhaqan Galinta shareecada Islaamka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Odayaal Dhaqameed iyo Waxgarad ka socday Beesha Garre kulanka oo diirada lagu saaray sida ugu haboon ee Beesha Gare ay ugu soo biiri lahayd Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka oo laga hergaliyo deegaanad ay degto beesha Garre.

 Sheekh Cabaas C/laahi C/raxmaan oo ka mid ah masuuliyiinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ee kulanka la qaatay Odayaasha ka socday beesha Garre ayaa ugu baaqay dhamaan beelaha Soomaaliyeed in ay qaataan shareecada Islaamka islamarkaana Ciziga iyo harafku uu ku jiro ku dhaqanka shereecada Islaamka. Sidoo kale ayaa waxaa madasha kulanka ka hadlay Ugaaska guud ee Beesha Gare Ugaas Ibraahim Xaaji Cusmaan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin kulankaan looga hadlayay iskaashi ay ka yeeshaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo laga hergaliyo deegaanada ay degto beesha Garre oo ay la yeesheen masuuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta isagoona ugu baaqay dhmaan Umadda Soomaaliyeed in ay qaatan ku dhaqan shareecada Islaamka. Si kastaba oo ay ahaataba ku biirista Beesha Gare ay ku biirayso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay Ururka Xisbul Islaam oo beesha ay horay uga mid ahayd Sidoo kale DFKMG ah ee Soomaaliya oo iyana beesha hanjabaad ay kaga baxayaan Dowlada horay usii qadimay. 

Comments (1 posted):

on 22 January, 2010 09:37:06
avatar
siwaliba ha ahaato waa wax wanaagsan in laqaato kudhaqanka shareecada silaamka ba;se maxa kasoobixikaro ujeedka loogasoobaxay xibul islaam oo loo ku biiray alshabaab hadaba aan mid ku darsado madaama aan ahay nin ku abtirsada behsa gare labaduba waxey heyihiin hadaf ugaar ah qowmiyada gare mahan dad hada lotilmamaayo kudhaqanka sharecada islaamka ee waxaan dhihilahaa oday dhaqameedka beeshu waa in aay u lahadaan fiiro gaar ah nagu sobiir waa maxay majabhad baalayahay yaase gaalo ah wax loodulqadan karo mahan aniga waxaan maqlay in aay xisbu islaam aay maalin hore hdahen waxad beesha gare karabnaa sako inyaa nasiiso sakadaasi maxeytahay sakadu waxey waajib kutahay qof ubaahan markaadsiiso lakin qof rasaas ku iibsanaayo oo qof islaam ah ku kiisab kudadinaayo in lasiiyaa mahan weyna ku saxan yihiin beehsa gare in yaa kabaxan warka waan badiyay asc

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Vivvo daafeet