Maantana Maalin Madow dheh!

1
70

kacaanMaanta oo kale Oktoobar 21 keedii sanadkii 1969 waxaa hogaankii dalka Soomaaliyeed boobay koox saraakiil ah oo ka tirsanaa ciidamada dalka kuwaasi oo u abaabulnaa qaab beeleed Saraakiishan talada dalka boobay ayaa guud ahaan Dastuurkii dalka iyo hay’adihii dowladii Demogaraadiga ahaydba laalay(Joojiyay)oo ka dhigay madaxdii dalka waxay xiraan iyo waxay masaafuriyaan,

Afgambigan oo ahaa mid aan dhiig ku daadan ayaa hadana dhanka kale waxa uu ahaan mid talada dalka lagu boobay qaab xoog ah (Awoodeed) taasi oo xaaraan ah maadaama ay jirtay dowlad Dastuuri ah lehna hay’adeheeda demogoraadiga ah cidii kursi doon ahna shacabka kalsdooni ka raadsan kartay.

Hayeeshee sida ay dad badani qabaan ciidamadu ma ahayn kuwo horay usii qorshaystay inay talada dalka boobaan ha yeeshee muran iyo ismari waa ka dhacay gudaha Baarlamaanka ka dib kolkii wakiilada beesha Majeerteen ee uu hogaaminayay Muuase Boqor ay ku doodeen in Madaxweynihii la dilay uu beeshoodu ahaa sidaa darteedna uu isagu sii hayn doono(Dhaxlidoono)inta u harsanayd madaxweynihii la dilay ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxayna sidoo kale Muuse Boqor iyo kooxdiisa diideen in la raaco dastuurka dalka kaasi oo xilka si kumeel gaar ah ugu dhiibayay Gudoomiyihii Baarlamaanka ee Xiligaas Sheekh Mukhtaar.

Doodii gudaha baarlamaanka ka dhalatayna waxay keentay in Milatarigu uu soo farageliyo ka dibna ay ka faa’iidaystaan halka kooxdii Afgambiga talada dalka ku boobay ayaa iyagu laftoodu ahaa kuwo aan waxba dhaamin Muuse Boqor iyo kooxdiisa kolka laga hadlaayo qaab beeleedka lagu doono xukunka dalka hayeeshee madaxda Milatarigu aqoon uma lahay shacabka halka Muuse iyo kooxdiisu ay ahaayeen kuwo ku faana qabyaalada shacabkuna uu aad u ogaa.

Sidoo kale ayaa hadana waxay milatarigu Ummadda ku jahwareeriyeen dacaayado aan dhabnimadooda cidiba iska weydiin karin su’aal maadaama ay milatarigu ahaayeen kuwo maalintoodii koowaadba shacabka awood kaga xayuubiyay xaquuqdoodii xuriyadeed iyo tii muwaadan-nimo.

Waxay noqotay Oktoobar 21 keedii 1969 maalin taariikhda ummadda Soomaaliyeed ka gasha baal Madow oo Muqdi ah maadaama hogaankii dalka ee demogoraadiga ahaa ay dhalintii milatariga ka boobeen talada dalka halka kooxdii milatariguna ay ahaayeen qaar haba yaraatee aan lahay aqoon iyo khibrad maamul ay dalka iyo dadka ku hogaamiyaan waxayna iyagoo isticmaalaaya awood iyo caburin ay meel mariyeen in dalka ay Indha la’aan ku hogaamiyaan iyagoo maalinba siyaasada dalka meel ula kacay ilaa ugu danbayn ay meel cidla ah kusoo dhacaan dalka iyo dadkuna ay ka dhigaan kuwo ka aradan dhinacyada nolosha oo dhan sida Aqoonta ,Dhaqaalaha,Siyaasada,iyo weliba Wadaniyada.

Inkastoo Caburinta,Cagajuglaynta,Dilka,Dhaca iyo kufsigaba uu ahaa wax guud ahaan kuwo xiligii kacaanka milatarigu ay kula keceen dhamaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ayaa hadana waxaa Digil iyo Mirifle intaa u dheerayd ayadoo guud ahaan la burburiyay Luqadooda halka dhulkoodana loo dagaameeyay Beelihii hogaanka u ahaa Kacaanka sidoo kalena loola dhaqmay Digil iyo Mirifle sida muwaadiniin heerka labaad oo kale.

Waxaa maanta oo 21 Oktoobar 1969 kasoo wareegtay 46 sanadood ayaa waxaa hadana naasiib daro kale ah in Ummadda Soomaaliyeed ayan weli si ummad-nimo ah u fahmin dhibta uu taliskii milatariga ahaa uu baday iyadoo sidoo kalena ummadu weli u kala calaamadaysnayn maalmaheeda iyo mudnaantooda oo maalin walba loo baahan yahay in lagu muujiyo hadba kaalinta ay taariikhda ummaddu kaga jirto Murugo iyo Farxad.

In la doodo ma filaayo in ay dhib leedahay oo arin walbaana laga eego dhinacyada kala duwan si loo iftiimiyo qiso walba waxa ku heeran waxaana qabaa inay soo dhoweyneyso is fahan dhex mara dhinacyada waxayna horseedi kartaa inay ummaddu guud ahaan isaga garawdo wixii dhacay una talaabsato tallo lawada leeyahay oo ku dhisan Sinaan iyo Cadaalad in loo horseedo Ummadda.

Waxaan ka mid ahaa dhalintii ku barbaartay kuna waxbaratay misna ka qaybqaadatay howlaha dalka xiligii Kacaanka 21 Oktober uu talada dalka hayay sidaa oo ay tahay ayaa waxaa hadana maanta aan ka markhaati kacayaa in Taliskii milatariga ee Maxamed Siyaad uu horkacayay ay ahaayeen kuwii dalkan u horseeday Burburkan ilaa Maanta taagan oo ay Ummaddu mirahiisu guranayaan iyo weliba kala shaki gaaray heer aan Wiilku Abtigii Aaminin Bulsho warkeedaba daa.

Runtii waa arin aad u xanuun badan kolka aad aragto ruux Soomaaliyeed oo dhibta ku haysata mid la mid ah ay isna haysato misna Xusaya maalintan murugada iyo Xanuunka weyn u xunbaarsan Ummadda Soomaaliyeed iyagoo weliba isku dayaya inay sameeyaan dabaal degyo ay ku doonayaan inay ku damqiyaan boogta aan weli bogsoon ee Kacaanku ku reebay Shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba kol hadii Xuska Kacaanku aanu soo kordhinayn waxaan ahayn inuu danqiyo boogta xanuun badan oo ummadda Soomaaliyeed uu ku reebay ayaan isweydiiyaa talow ma waanay uga haboonayn kuwa xusaya maalinta Murugada ugu yaraan inay iska Aamuusaan ayna qadariyaan Walaalahooda kale ee Soomaaliyeed oo weli ay ku taagantahay xusuustii xumeyd ee Kacaanka xitaa haddii ay ku adagtahay inay fahmaan oo ka garaabaan dulmigii iyo xanuunkii weynaa ee uu geystay Madaxii iyo Maamulkii Kacaanka.

Maanta Madaxdii Kacaanka intoodii badnayd sida aan wada ognahay waa wax dhintay iyo wax iyaguba u baahan daryeel aadminimo hayeeshee waxaa hubaal ah inay nooga tageen taariikh aad u xun oo xitaa caalamku maanta noola yaabanyahay hadana sidaa oo ay tahay taageerayaasha Kacaanka weli waa ay ka indho owdan yihiin ficiladii xumaa ee kacaan oo weliba ilaa iyo maanta inoo qoyan sida Burburkii Dowladnimo iyo kala irdhowga ummaddii walaalaha ahayd ee Soomaaliyeed.

Hadaba taariikhdaas madow ee Ummadda Soomaaliyeed soo martay guud ahaan Digil iyo Mirifle si gaar ah ayaa 21sano 3bilood iyo 5 maalmood kadib 27 Janaayo 1991 dii afka ciida loo daray Hogaamiyihii taariikhdaasi madow Maxamed Siyaad Bare(Ma Si Ba) carar iyo in kaare dhexdii looga saaro magaaladii Muqdisho ayayna taladiisii ku dhamaatay.
Abdiaziz ShSalah.
Wadajirradio@gmail.com.

1 COMMENT

  1. maalinta adi sheegtay mayba haayteey maalin barakaysan waqti feeylana dadkun hamareen fiiri walii hamarnay waqtigaas kadib

Comments are closed.