Madaxweynaha Dowlada Federalka oo wareysi gaaban siiyey Laanta Afsomaliga BBC

0
33

xasanMadaxweynaha Soomaaliya oo maanta la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo quseeya Soomaaliya iyo Somaliland .

Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku joogo dalka Belgiumka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mid tahay Islamarkaana Aqoonsiga dowladiisa ay heshay cidkasta oo Soomaali ah dan ay u tahay.

Madaxweynaha ayaa muujiyay Midnimadaas inaysan leheyn ehelkiisa oo ay leeyihiin Soomaali Weyn,taas oo dhinac uu ugu xaarayo wararka sheegayay Somaliland iney ka soo horjeedo Talabooyinka Dowladiisa .

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in Somaliland ay dhankeeda ay ka leedahay faa’idadada kasoo baxda aqoonsigaas laakiin wax dhib uguma imaanayaan ayuu yiri.

Xasan sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa cadaadis aysan ku rabin wadahadalada dowlada iyo maamulada dalka ka jira,cadaawadna uma qabno ayuu yiri Somaliland iyo Puntland.

Daafeet.Com