Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir Shabeele oo Gaarey Magalada baledweyne

0
34

Waxaa goor dhaweyd inaga soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu gaarey Wafdi ballaaran oo uu Hor-kacayo madaxweynaha maamul goboleedka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Wafdiga Madaxweynaha Hir-shabeele, Waxaa ka mid Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed], Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoono, xildhibaan Samiiro Xssan C/lle, xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

Sidoo kale, Wafdigan Waxaa Qaybka ka ahaa Dr. Maxamed Cabdi Waare oo ah musharixii xilka kula Tartamay Madaxweynaha Hir-shabeelle, C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe], taliyihii hore ee ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad.

Wafdiga ayaa ku sugan Xarunta Maamulka Hiiraan, Waxaana la filayaa kulan gaar ah ay kula Qaataan Beledweyne, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn uga soo hor-jeeda Dhismaha Maamulka Hir-shabeelle.