Madaxweynaha Xiligiisa Dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud oo Sheegey In Muqdisho Ay Yeelan Doonto Maqaan U gaar Ah

0
26

Madaxweynaha xiligiisa dhamaadey, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Muqdisho ay yeelan doono maqaam iyo maamul u gaar ah, isla markaana dhawaan loo sameyn doono maamul ay Bulshadu soo doorteen.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay Xafladdii Caleemo-saarayay Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-shabeelle ee shalay ka dhacday Jowhar ayaa xusay in maamul-goboleedka Hir-shabeelle uusan ahayn maamulkii ugu dambeeyay ee Somalia laga dhiso.

Sidoo kale, Wuxuu xusay in Muqdisho loo sameyn doono maamul gooni ah, isla markaana la caddeyn doono maqaamka ay yeelanayso. “Muqdisho waa Caasimaddii Somalia, Goor-dhaw ayaa loo dhisi doonaa maamul u gaar ah, Waxaana la caddeyn doonaa Maqaamka Muqdisho.,”

Magaalada Muqdisho ayaa horay loogu diiday in ay Xubno ku yeelato Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, balse xilli dambe loo ogolaaday in laba xubnood ay ku yeelato.