Magalada Beledweyn oo Habeenkii Xaley Laga Sameeyey Howlgalo Lagu Sugaayo Amaanka

0
25

Howlgalo lagu sugayo amaanka ayaa habeenkii xaley waxaa laga sameeyey Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii maalintii shaley Shabaab weerar khasaare geystay ay ku qaadeen saldhig Ciidanka Jabuuti ay leeyihiin Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Howlgaladan horkaceysa ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka Howlgalladan ay yihiin sidii loo sugi lahaa Amniga, iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Shabaab.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa habeenkii xaley jawigeeda waxaa uu ahaa mid aad u degan ayadoo isla markaasina uu ka socdey dhaqdhaqaaq ciidan.

Si kastaba arintu ha ahaatee weerararadan beryahanay alshabab qaadayaan ayaa ah kuwo ka socda guud ahaan dallka somaliya ayagoo ka faaiideysanaya howlaha doorashooyinka ay ku mashquulsan yihiin xukuumada.