Mamulka Gobolka Banaadir oo sheegey in dowlada Turkiga dayactir ku sameyn doonto wadooyinka Magalada muqdisho

0
26

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegey in hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Turkiga TIKA ayaa dib u dhis ku sameyn doonta waddooyinka magaalada Muqdisho oo aan wax dayactir ah helin tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia 1991-kii oo haatan ay ka soo wareegtay 22 sano.

Afhayeenka ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid horumar leh oo lagu farxo, dibna u soo celineysa mar kale bilicdii lagu yaqaanay wadooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in hay’adda TIKA ay wado mashruuc ay ku hagaajinayso wadooyinka hareer mara garoonka dayuuradaha Aadan cadde, halkaasoo burbur iyo qashin badan ay sameeyeen.

Meelaha hadda ay dib u dhiska ku sameynayso Hay’adda TIKA waxaa ka mid ah biyo fariisin ku yaalla inta u dhexeysa KM-4 iyo garoonka Aadan cadde iyo marsha-biyeedka wadadda isku xira garoonka iyo xarunta madaxtooyada.

Daafeet.Com