Maxamed Farkeetiyow Mahada Xasan Sheekh Iska Horkeenka Beelaha Boqol-hore Miyay Aqoontaadu Aheyd? (Cilmi Hortiisa Igaar La Ahaadaa Ka Roon)!

0
172

fargeetiMaxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti ) oo ah Wasiirka Maaliyada ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya , waxaa uu xilka Wasiirnimo ku heley hardankii siyaasadeed ee awood qaybsiga oo hogaanka DigilMirifle ay isku haysteen Shariif Xasan iyo Gudomiyaha BFS Maxamed Jawaarey.

Gudoomiye Jaawerey ayaana ku guleystey Afartii Wasiir ee DM ku lahayeen DFS markii ugu horeysey Dowlad Xasan Sh. Soo meeriyo kuwa jawaarina laqaato oo Shariif Xasana fariinka loo qaban.

Hadaba Mudane Maxamed Farkeeti oo inbadan Xildoon ahaa ayaa waxaa lagu magacabey Wasiirka Maaliyada ,waxaana in badan uu danayn jirey in Xasan Sheekh Xirtiisa ka mid noqdo.

Dhab ahaan Farkeeti waa shaqsi aad ugu dhega nugul madaxda Afka Maxaaga ku hadasha ,waxaana bilihii ugu horeeyey xafiiska ku haystey Wasiiro Dowlaha Maaliyada waxaana markale juhdi ku bixiyey in xafiiskiisa loo madax baneyo Prof. Jawaari.

Hadaba Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Farkeeti ka dhigtey Curadkiisa kadib markii lacagihii Maamulka Galmudug ee Damul Jadiid kusoo doorteen C/kariin Xusseen Guleed Madaxweyne Gal mudug inuu noqdo,lacagta lagu soo doortey $12500.000 (laba iyo toban milyaniyo shanboqol oo kundollar ).

Waxaa ay ka baxdey Bangiga dhexe waxaana lacagihii markii Baarlamaanka uu u yeerey Farkeeti waxaa uu ku kala mareyey goobo kale oo ka baxsan Xasan iyo Axsaabtiisa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxay Warbaahinta Ishabaydhaba u sheegeen in Xasan Sheekh uu yiri Farkeetiyow intaan Madax ahay kala maqnaan meyno waxtarkaaga hadaan ogaan lahaa maalin igama aadan maqnaan lahayn,arinkaasina waxaa xaqiiq iney tahay la ogaadey marka madaxweynaha masuuliyiinta sida wasiirada ama xildhibanada markay u baahdan isqoris iyo balamin ayay maraan laakiin Wasiir Farkeeti waxaa loo fasaxey Qolka Jiifka Xasan Sheekh inaan laga reebin.

Hadaba hantidii Qaranka uu u dhacay Farkeeti, Xasan Sheekh Sed daciifkii uu u soo tuurey Xasan sheekh ayaa lagu tilmaama labo ilaa sedax boqol kun dollar madama cabirkiisa Farkeeti laheley isna muxuu ku qabtey ama ku qabsadey kistiisa isaga laweyneyd!.

Maxamed Farkeeti waxaa uu isagu yeerey qaybo ka mid ah Beelaha Boqol hore ee Muqdisho ku dhaqan, isagoo aad uga baqaya Xildhibaan Maxamuud Maclin Yaxye oo isku beel ay yihiin kana waxtar badan in dooroshoyinka 2016 Ogost si uu u helo Xildhibaanka Beesha Disow.

Hadaba kulan $12000 (labo iyo tobankun oo dollar )ku baxdey ayaa wuxuu kusoo magacaabey wax la yiraahdo Malaaqa Boqol Hore uu una soo magacaabey Maxamed Aadan Cabdi oo jufo hoose ay isku yihiin.

Waxaa layaab noqotey oo aan abadba dhicin afar beelood oo walaala ahaa danguud isagu iman jirey oo Farkeeti isagoo wasaarada Maaliyada isticimalaya hal Malaaq u qabtey.

Hadaba Beelaha Boqol-hore waxaa ay degaan Baay, Shabeelaha Hoose iyo Bakool waxaa halmar isla wada qaraxdey oo weliba isqalbi gaar farabadan dhexmarey beelihii uu Malaaqa u sameystey, waxayna ka wada sinayeen in been abuur Maxamed Farkeeti uu wato ay tahay Malaaqa uu sheegayana digaagna lagu aaminimaayo.

Hadaba Maxamed Farkeeti waxaa laga filayay inuu waxqabad Beelaha DigilMirifle u riyaaqaan qof la iman doono markii la magacaabayay,laakiin isna waxay kaga dheganeyd isku Dir iyo kala Shakisin Beelaha walaalaha ah ee Boqol-hore.

Si kastoy ahaataba Wasiir Maxamed Farkeeti Waxqabadkiisa ayaa isugu soo aruuray isku Dirka Walaalaha Boqol-hore iyo Joornaatiga Xasan Sheekh uu siiyo oo ah Mahadsanid.

CILMIGA HORTIISA IGAAR LA AHAADA KA ROON.

Fillo Qeybta Labaad Hagardaamada Maxamed Farkeeti uu La Damacsan Yahay Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya.