Maxkamada Gobolka Banadir oo maanta dib u dhigtey dacwadii lagu soo oogey Wariye C/casiiis Koronto

0
62

Cabdicasiis-KoronoMaxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.

Xeer-ilaaliyaha maxakmadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in dacwadda dib loo dhigay illaa maalinta Talaadada ah ee soo socota, kaddib markii la waayay markhaatiyaal ku filan, dibna loo dhigay illaa shanta bishan.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay in wariye C/casiis uu faafiyay warar been ah, sidoo kale haweeneyda la kufsaday ayuu sheegay inay been abuur sameysay inkastoo haweeneyda ay ku adkeysanayso in la fara-xumeeyay.

Wariye C/casiis Koronto iyo eedeysanayaasha kale ayaa iyaguna diiday inay qabaan dacwadda lagu soo oogay, iyadoo qareennada eedeysanayaashan ay ku doonayaan in dambiyada lagu soo eedeeyay aysan qabin.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonto maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo dacwaddan ay tahay tii ugu horreysay nooceeda oo maxkamadda gobolka Banaadir ay qabato.

Daafeet.Com