Shariif Xasan oo ku Dhiiran Waayey Inuu ku Dhawaaqo inuu Yahay Mushax Madaxweyne

0
34

Kulan loo balansanaa maanta Shariif Xasan uu kaga dhawaaqo inuu yahay musharax madaxweyne ayaa haatan lagu soo gabagabeeyey magalada baydhabo.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeeen odayaasha dhaqanka, xubnaha baarlamaanka heer federaal iyo heer gobol. golaha wasiirada heer federaal iyo heer gobol, marti sharaf lagu casuumey kulanka, iyo dhamaan warbaahinta ku sugan magalada baydhaba.

Kulankan intii uu socdey ayaa waxaa halkaasi ka hadley masuuliyiin kala gedisan dhamaana waxaa ay diirada saareen xiliga kala guurka ah ee uu dalka geli doono, doorashooyinka soo socda ee heer federaal iyo arimaha amniga oo ay qeyb ka eheyd dhibaatooyinka ka taagan gobolka shabelaha hoose.

Shariif Xasan Sheekh aadan oo qudbadii gunaanadka kulanka aadna loo dhowrayey inuu ka sheego inuu yahay murashax madaxweyne ayaaney u dhicin sidii ay dadka filayeen inuu yahay musharaxa madaxweynaha jimhuuriyada federalka somaliya.

Taaabadan uu shariifka kaga baaqsadey inuu uu ku dhawaaqo inuu yahay musharaxa madaxweynaha Jimhuuriyada Federaalka Somaliya ayaa waxaa ay u muuqataa cabsi deg deg ah iyo kalsooni daro kasoo wajahdey masuuliyiintii halkaasi isugu timid kuwaasi oo runtii u muuqdey una muujiyey Shariif Xasan in aan xiligan loo baahneyn inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha jimhuuriyada federaalka somaliya.

Dhanka kale warar isa soo taraya oo la isla dhex maraayo magalada baydhabo ayaa ayagana waxaa ay ku waramayaan in ka baaqsiga uu shariif ka baaqsadey inuu yahay musharax madaxweyne ay timid kadib kolkii isbaheysiga Xasan Sheekh iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay ku guuleysteen in Shariif Xasan Sheekh Aadan ay awood siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba uga adkaadeen soo xulistii xubnaha aqalka sare ee koonfur galbeed talaabadaas oo shariifka ku noqotey mid lama filaan ah.

Si kastoo loo dhigaba hardanka siyaasadeed ee ka jira belaha digil iyo mirifle ayaa waxaa uu gaarey heerkii ugu sareeyey ayadoo aan shacabka digil iyo mirifle cidana u maqneyn ceelna u qodneyn.