Shariif Xasan Xaq Ma u Leeyahay in Maanta uu ka Qayliyo ka Tanaasulidda Nidaamka 4.5

2
458

Sakiin-mahigaCaarta Jarta waa Ciyaar si aad ah looga cayaaro guud ahaan dalka somaliya  taasoo Dadka qaarkood ay sheegeen in ay ciyaari karaan oo keliya dadka fikirkooda maskaxeed uu fiican yahay taasoo micnaheeda tahay hadii maskaxdaada aysan ka fikiri karin dhaqaaqa aad sameyneso wax ka imanaya in aadan cayaari karin.

Marka hadalkey hadalkeyga waxaan uga gun leeyahay bahasha siyaasada waa sida jarta oo kale go,aanada aad gaareyso haddii aadan ogeyn wanaaga iyo dhibaatada ka iman kara waxaa waajib ah in aadan kaba qeyb gelin si umada ay uga badbaado qaladaadka dhankada ka iman kara.

Hiigsiga 2016 Hawiye iyo Daarood mar hore ayay ka baaraan degeen sidii ugu guulaysan lahaayeen Shirkii Garoowe 1 Garowe 2 iyo kan hadda socdo ee Hiigsiga 2016 dhamman Digil-Mirifle waxaa matalayay Shariif Xasan oo Dantiisa gaar mooye danta Qoomiyadda Digil-Mirifle marna ka fikirin.
Daarood iyo Hawiye dadkii ma u talayay xaqa Reerkooda iyo wixii ay ku daransan karaan wey qaateen oo  Maanta way gaareen Labadan Beel waxay si hoos ah ugu u heshiyeen in midwalba saddex Maamul Goboleed samaystaan halkan shariif xasana uu xal moodey in la sameeyo maamul 3 gobol ah oo ka dhexeeya somalida oo dhan.

Sida aynu ka war heyno in badan ayey saxaafada koonfur galbeed ka hadashey kana digtey  in laga digtoonaato siyaada ku dheehan qiyaanada ee ay maleegayaan somalida kale si ay u helaan wax aysan xaq u laheyn.

Shariifow ciyaaartan bilowgeeda ilaa Maanta waad ku dhexjirtaa Digil-Miriflena Maamulkii Lixda gobol adiga iyo kuwa Aragtida gaaban ayaa  ka burbiyay meel cidla ahna dhigey marka hada sideed rabtaa in aad ugu doodo wax markii horaba adiga aad ku bedelatey waxoogaa shilimaad iyo iyo madaxtinimo?

Si kastaba arintu ha ahaatee waxa ay dadka kasoo jeeda koonfur galbeed ay maanta intooda badan is weydinayaan ayaa waxaa ay tahay Shariif Xasan xaq ma u leeyahay in uu maanta ku doodo in 4.5 wax lagu qeybsado isagoo markii horaba ogaa in siyaasada ay u dhamaan doonto in deegaan wax lagu qeybsado isagoo isla markaa dadka iyo deegaanka uu matalo meel cidla ah dhigey.

Qore Maxamed Isaaq

 

 

2 COMMENTS

  1. wa nin jaahil ah shariif hasan wana nin ganacasade iska haan jirey shilinka markaas soo gala bes ayoow arkaa lakin ma arko beri sida oow u danbeeyn doono markow dhulkiisa gadanaayey oo 3 ka mid ah reebanaayey wahow is lahaa 3 aad reeebatey lacag kale ayaa ku helee ka dibna madahweyne soali aa raadine dabaal nimadiisa ama baarlamaanka somaliya lakin hada ayow ogaadey lacagta oow qaadanaayey ama dhulkiisa iyo dad nimadiisa ku gadaayey in ay eheet in cimrigiisa inta ka dhiman in oow ku noolado in loogu tala galay hadii la rabana laga dhaco si loo siro ayey eheet hada ayow arkey runta talaa ku hun wali dadkiisa wa kala diley mid jecel lama arko sidow ku kasban lahaa iyo cagligi gaabnaa oow isticmaalayo Ayaan arki donaa waliba wsc

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Culumada siyaasadda ka faalooda waxay leeyihiin siyaasi waa qofka faham u leh sadex maalmood oo aduunyadu ka kooban tahay oo kala ah :shaley,maanta,beri sidaasi darteed kuwa fahamkooda ka kooban yahay maanta waa siyaasi doqon ah dhaxal uma reebo dalkiisa iyo dalkiisa,kuwa aqoonta u leh shaley waa siyaasi dhaxal u reeba dadkiisa iyo dalkiisa,midka fahamkiisa ka kooban yahay berrito waa kan hogaan u ah caalamka horumariyey dalkiisa iyo dadkiisa,siyaasiyiinta Digilmirifle fahamkooda wuxuu ka kooban yahay maanta sidaasi darteed hadda looma fadhiyo in ay fahmaan shariifow iyo kuwa la midka ah halka hasha maandeeq geedi ay u tahay mhd

Comments are closed.