War Deg Deg Ah Ciidamo ka Tirsan Amisom oo Qarax Lagula Beegsadey Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
29

Wararka kol dhaweyd aan ka helney Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Golweyn ayaa sheegaya kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM in halkaasi Qarax lagula eegtay.

Qaraxan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.

War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen mas’uuliyada Qaraxan, sidoo kalena Qaraxa kadib halkaasi ay kula dagaalameen Ciidanka AMISOM.

Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika weli kama aysan hadlin weerarkan Qaraxa ku bilowday ee Deegaanka Golweyn lagula eegtay kolonyo Ciidankooda ka tirsan.