Xerada Barakayaasha BANTU ee degmada Ceelwaaq oo lasoo deristay xaalad nolol xumi

0
32

ceelwaaQoysas aad u faro badan oo  barakacayaal ah kuna sugan duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo qaarkood ay xoolahoodii uga le`deen abaarihii dalka ku dhuftay iyo kuwo kale oo ku barakacay dagaalo ka dhacay Gobolka mudooyinkii ugu dambeeyey,
ayaa waxay ka cabanayaan inay haysato nolol xumo iyo daryeel la`aan, sida ay Warbaahinta  u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool halkaasi.

 

Cabdi Aden oo ah Gudoomiyaha xerada barakacayaasha ee lagu magacaabo Bantu one ayaa Wadajir  u sheegay Dadkaasi Barakacayaasha ah oo tiradoodu  uu ku sheegay in ay u dhaxeyso 1000 ilaa 1200 qoys, waxyna isugu jiraan dadkii ay xooluhu ku dhaafeen abaarihi iyo dad kale oo ku barakacay dagaalada ayuu sheegay dhibaatada ay qabaan in ay ugu weyn tahay Cuno la,aan,Hoy la,aan,Nadaafad daro iyo Biyahii Ceelasha oo cirii galey,mana jiraan wax gargaar ah oo na soo gaarey mudo ka badan ilaa 6 bilood.

Halkan ka dhegayso warbixinta

Barakacayaal ku dhibaataysan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,wadajir