Maxkamad ku taala magalada Rotterdam ee dalka Holand oo lasoo taagey burcad badeed Somali ah

0
242

Maxkamad ku taalla magaalada Rotterdam ee dalka Holland ayaa la soo taagay sagaal nin oo burcad badeed Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeynayo inay rasaas ku fureen ciidamada badda Holland mar ay isku dayayeen in ay afduubtaan dooni kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Iran sanadkii hore.

Raggan oo da’dooda u dhexeysa 18 illaa 38 jir ayaa la soo qabtay kaddib markii ay rasaaseeyeen markab ay leeyihiin ciidanka badda Holland gudaha gacanka Cadmeed xilli ay ciidamadu badbaadinayeen dooni kalluumeysi ah oo Iran leedahay.

Afhayeen u hadashay maxkamadda oo la yiraahdo Michele Boonstra ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP in dhageysiga dacwadda dib loo dhigay labo toddobaad kaddib, haddii la xukumo shakhsiyaadkaas ay muteysan karaan xabsi daa’in.

Si kastaba arintu ha ahaatee maxkamadahan dowladaha aduunka ayaa maalinba qeyb ka tirsan burcad badeeda soomalida waxaa ey ku xukunta wadamadooda ayagoo qaarkoo ku xukumey xabsi dheer qaar kalana xabsi yar, balse sulaalaha loo baahan yahay in la is weydiiyo waxaa ey tahay yaa soo qaban doona ama xukumi doona maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysata xeebaha somaliya iyo kuwa ku daadiyo wasaqda kimikaliska. 

Yasin Abicar

Daafeet.Com