Safiirka somaliya u fadhiya turkiga oo la kulmey wasiirka wasarada cafimaadka ee dalka turkiga

0
170

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh Abdirahman, oo uu wehliyo Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Yuusuf Axmed Xassan, ayaa waxaa ay kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Turkiga Recep Akdağ,

Ugu horeyn ayaa waxaa uu Danjire Maxamed Mursal uu uga mahad celiyayay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Turkiga sida walaalnimda leh oo ay Wasaaradda iyo Dhammaan Dowladda Turkiga ugu fidiyeen gacanta dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Dalka Soomaaliya oo lagu daaweeyay gudaha Turkiga.

Waxaa sidoo kale Damjire Mursal uu kala hadlay Wasiirka Caafimaad sidii loo sii xoojin is kaashiga labada Dowladood ee dhanka caafimaadka, maadaama uu dalku u baahan yahay sare u qaadis dhanka caafimaadka, ayadoo labada wasaaradood ee Soomaaliya ee Turkigaba ay ka wada shaqeyn doonaan.

Kulanka ayaa la isla meel dhigay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood gaar ahaan Wasaaradaha Caafimaadka oo ay iska kaashan doonaan tayeynta adeegyada iyo heyadaha caafimaad ee kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Yasin Abicar

Daafeet.Com