10 musharax oo maanta ka hor jeedinayso khudbado xildhibaanada Soomaaliya.

0
179

Ilaa 10 musharax oo u taagan xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin raisalwasaarayaashii ugu dambeeyay dowladii KMG Soomaaliya ayaa waxa ay maanta khudbadahooda wax qabad ka hor jeedinayaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Musharaxiintaan ayaa waxa ay sidoo kale weydiisan doonaan xildhibaanada inay codadkooda siiyaan si ay u noqdaan madaxweynaha xiga ee dalka Soomaaliya.

Tirada musharaxiinta guud ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaarayso 25 ayada oo ay 15ka kale ee musharaxna ka hor jeedin doonaan khudbadahooda xildhibaanada beri iyo saa dambe.

Doorashada madaxweynanimada Soomaaliya ayaa dhici doonta 10 bishaan aan ku jirno ee September ayada oo ay goob joog ka ahaan doonaan kor joogayaal caalami ah oo madax banaan.

 

Daafeet.com