Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay Soomaaliya geysay 2,830 askari oo cusub, kuwaas oo beddelay ciidamo kale oo sanadihii ugu danbeeyay ka howlgalayay Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada lugta Uganda Lf.Gen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamada dalkooda loo celiyay ay guteen shaqo muhiim ah, wuxuuna sheegay in uu ku kalsoon yahay in cutubka cusub ka soo bixi doono waajibaadka horyaalla.
Ciidamada la beddelay waxaa hoggaaminayay Brig. Paul Lokech oo hor boodayay ciidamada AMISOM ee wax ka qabtay degmooyinka Afgooye, Balcad iyo caasimad goboleedka Marka.
Yasin Abicar
Daafeet.Com