Gudomiyaha barlamanka oo sheegey in dorashada ey u dhici doonto si xaq ah

0
182

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xilligan ay si aad ah ugu howlan yihiin qaabkii ay si hufan oo caddaalad ah ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Prof. Jawaari oo hadalkan ka sheegay mar uu shalay kulan la qaatay wakiillo ka kala socday Qaramada Midoobay iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in doorshada kaddib ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya la imaan doonaan qorshayaal badan oo wax looga qabanayo dalka.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xusay in xildhibaannada baarlamaanka aysan aheyn madax balse ay yihiin u adeegayaasha ummadda Soomaaliyeed, isagoo ka rajeeyay inay noqdaan kuwa ka tarjuma rabitaanka shacabka.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa musharixiinta u tartamaya kursiga madaxweynenimada inuu kor u dhaafey 20 xubnood kuwaas oo gebi ahaantood u taagan xilkaas asaga ah.

Yasin Abicar

Daafeet.Com