Maanta ayay soo gaba gabowday qabashadii araajida musharaxiinta isku soo taagaysay qabashada jagada madaxweynaha Soomaaliya iyadoona ay aad ubadan yihii musharaxiinta ilaa iyo hada banaanka iskeentay marka loo fiiriyo xubnihii la filayay.
Dad badan oo kuwa Siyaasada saadaaliye ah ayaa aamisanaa in doorashadan ay ku hardami doonaan in kabadan 30 Musharax ayaa hadana waxaa soo baxaya xubno tiradaas wax aan badnayn ka yar.
Gudiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in ay soo dhamaatay waqtigii la qabanayay Araajida ayna hayaan oo kaliya liiska 25 Musharax oo jagadaas qabanaya.
Xubnaha ilaa iyo haatan soo gudbiyay musharaxnimadooda ee sharuudaha buuxiyay ayaa waxaa kamid ah:
- 1. Cabdiraxmaan Macalim Baadiyow
2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar “Goonjeex”
3. Cabdullaahi Axmed Caddow
4. Cabdiweli Maxamed Cali
5. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
6. Axmed Ismaaciil Samatar
7. Xasan Sheekh Maxamuud
8. Shariif Sheekh Axmed
9. Yuusuf Garaad Cumar
10. Cumar Salaad Cilmi
11. Cabdiraxmaan Cabdi Xaashi
12. Bashiir Nuur Xasan Bidaar
13. Maxamed Ismaaciil Yaasiin
14. Cabdilqaadir Cosoble Cali
15. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
16. Xuseen Khaliif Jaamac
17. Maxamed Axmed Saalax
18. Salaad Cali Jeelle
19. Ibraahim Cali Xuseen
20. Scidii Ciise Maxamuud
21. Cusmaan Maxamed Gacal
22. Maxamed Cabdullaahi Oomaar
23. Maxamed Cabdiweli Sheekh Yuusuf
24. Maslax Maxamed Siyaad Barre
25. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Afhayeenka Gudiga doorashada ayaa sheegay inn 10-ka bishan ay dhacays doorashada madaxweynaha isla markaana ay rajaynayaan in aysan dib udhicin.