Dowlada mareykan oo sheegey iney ku faraxsan yihiin sida ey u socoto howlaha dorashada

0
91

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay sida ay u aragto doorashada xilka madaxtinnimo ee Soomaaliya oo Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Isniinta ay maalin taariikhi ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay sugayaan in ay dhacdo doorashada madaxweynaha.

Warka qoraalka ayaa loogu boorriyay mudanayaasha baarlamaanka in ay si xor ah oo caddaalad ah u doortaan musharraxa ay aaminsan yihiin in uu wax u qaban karo shacabka Soomaaliyeed ee muddada ku soo jiray dhibaatooyin kala duwan.

Mareykanka ayaa ku dhiirri geliyay saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya in ay waajibkooda gutaan oo ay ilaaliyaan amniga, isla markaana ay tixgeliyaan maamulka cusub ee imaan doona.

Yasin Abicar

Daafeet.Com