Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo dhacay.
Jen. Maxamed Maxamuud Saneey oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen xoogagga Al-shabaab, isagoo xusay inay halkaas isaga carareen markii ay ku dhaqaaqeen.
Degmada Warsheekh oo Muqdisho dhinaca bari ee xeebta badweynta Hindiya kaga beegan qiyaastii 60-km ayaa la sheegay in xalaadeedu daggan tahay, iyadoo ciidamadu ay degmadaas iyo hareeraheeda ka billaabeen baaritaanno.
Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan qabsashada degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe, sidoo kalena ciidamada AMISOM kama aysan hadlin qabsashadan, waxaase ay sheegeen toddobaadkii hore inay la wareegeen gacanta ku hanta dekedda Ceelmacaan oo ay sheegeen in Al-shabaab ay kala soo degi jirtay hub.
Yasin Abicar
Daafeet.Com