Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Barcelona ay ka go’an tahay in ay u tartan koobab badan xilli ciyaareedkan,iyadoo xusuusan guuldaradii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay soo gaartay taasoo ahayd koobabkii La Ligaha iyo Champion League.
Barca ayaa u muuqatay markii uu soo dhawaaday dhamaadki xilli ciyaareedka inay ku guuleysan karaan koobabka kahor inta aysan kooxda Chelsea ka reebin Champion League kulankii Semifinalka halka ay kooxda ay isku dalka ka sooo jeedaan ee Real Madridna ay ka qaateen horyaalka La Ligaha.
“Sida iska cad, waxaan jeclaan lahayn in aan ku guuleysano Champion League sida aan marwalbana ugu guuleysano waxwalba,”ayuu yiri Messi.
“inaanan ka badin Chelsea oo aanan gaarin finalka waxa ay inoo ahayd mid xanuun badan,anigana waxaa ii dheereyd in aan rigoore dhalin waayay, balse sanadkan mar kale ayaan u dagaalami doonaan weliba annagoo diyaar ah .”
Ciyaaryahankan reer Argentine ayaa sii hadlay waxana uu sheegay in ay la tahay in tababaraha cusub Tito Vilanova uu shaqsiyadiisu ka duwan tahay tii Guardiola balse aragtida kubbada ay iksu mid ka yihiin.
“Waa labo shaqsi oo kala duwan balse falsadfadooda ay isla mid tahay. Dadkii hore ayaa la shaqeynaya Tito. Qof walbana waxa uu leeyahay qaab uu wax u arko una gudbiyo, haa waa kala duwan yihiin,”ayuu ku soo gabagabeeyey Messi.