Maxamed C/llahi Farmaajo oo sheegey inuu wax badan qaban doono haddii la doorto

0
122

Murashaxa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka hortiisa kuna soo bandhigayey hadii la doorto waxa uu qabanayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mudadii 20-ka daqiiqo ee loogu talo galay inuu ku hadlo 15-ka mid ah ku qaatay waxqabadkii xukuumadii uu Raysal wasaaraha ka ahaa isagoo sheegay in ammaanka,horumarka arimaha bulshada,dhismaha Magaalada,mushaarsiinta ciidamada qalabka sida,caawimaada carruurta tabaaleysan,naafada ku lixaad waayey dagaalkii 77-kii iyo arimo kale kaga sheekeeyay.

Inta uu khudbada jeedinayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu sidoo kale ka hadlay arimo farabadan waxaana uu sheegay inay xukuumadiisii ku guuleysatay in magaalada laga waayey shaqsiyaad hub sharci daro ah iskaga dhex qaadan jiray iyo abaabulida dadka si loo walaaleyo.

Khudbada Farmaajo ayuu kusoo hadal qaaday hadii la doorto inuu mushaaraad deg deg ah uu siin doono dhamaan shaqaalaha dawlada,si gaar ah waxa uu xusay in ahmiyad siin doono xildhibaanada iminka baarlamaanka ku jira iyo kuwii aan nasiibka u helin in mar kale ka mid noqdaan isagoo tibaaxay in kuwa hadda xildhibaanada ahayn mushaaraad howlgab ah siin doono sida uu yiri.

10-Murashax ayaa ka hor hadlay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo waxqabadkooda hadii la doorto soo bandhigay waxaana badi ay ka simanaayeen sida mid waliba udoonayey in kursiga Madaxweyne uheli lahaa.

Yasin Abicar

Daafeet.Com