Shariif Axmed oo balan qaadey in 2 sano gudohood cidamada dowlada ey ku hanan karan dalkoo dhan haddii la doorto

0
116

Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah 25-ka murashax ee u taagan xilka madaxtinimo dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadii mar kale loo doorto hogaaminta dadka iyo waddanka uu ku dadaali doono sidii looga saari lahaa Soomaaliya ciidamada AMISOM.

Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in muddo labo sanadood gudahood ciidamada Dawlada ku hanan doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya intaa kadibna laga maarmi doono ciidamada AMISOM oo hadda taageerosiiya.

Murashaxa Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in muhiimad gaar ahaaneed siin doono sidii ammaanka Soomaaliya loo wanaajin lahaa waxa ugu horeeya ee dagaalka uga gali doono hadii la doorto uu yahay baabi’inta cadaalad darada oo dilootay umadda Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in hadii fursad loo siiyo uu sii dar dargelin lahaa sare u qaadista niyada ciidamada Qalabka sida ee dawlada meel wanaagsan hadda joogaan sida uu yiri:

Yasin Abicar

Daafeet.Com