Ciidamada dowlada ee gobolka bay oo lagu amrey ineysan hub ku dhex sidan karin magalada ayagoon lebisneyn dereska ciidanka

0
85

Maamulka gobolka Baay ayaa ku amray ciidamada dowladda ee magaalada Baydhabo inaaney hub ku dhex qaadan magaalada iyagoo aan xirneyn lebbiska ciidanka.

Guddoomiyaha gobolka Baay, Cabdifataax Ibraahim Geesey oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarigii asagoo aan xirneyn lebbiska ciidanka hub ku dhex qaata gudaha magaalada.

Geesey ayaa carrabaabay inuu maamulka sameeyay unug ka mid ah ciidanka oo loo xil saaray la socoshada askarta jebisa amarkan.

Si kastaba arintu ha ahaatee amarkan kasoo baxay maamulka gobolka baay ayaa kii ugu horeeyey tan iyo markii ey ciidamada dowlada la wareegeen gacan ku heynta gobolka baay balse waxaa la is weydiinayaa inuu yahay amar soconaayo iyo kale.

 

 

Yasin Abicar
Daafeet.Com