Murashaxiin ka mid ahaa kuwii u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay tanaasuleen, iyagoo aan sheegin sababaha ku kallifay inay tanaasul sameeyaan.
Seddax musharx ayaa ka tanaasuley doorashada madaxweynenimada dalka somaliya seddexdaas oo kala ah 1- C/raxmaan C/shakuur Warsame, 2- Xuseen Khaliif Jaamac iyo Bashiir Nuur Xasan (Bidaar).
Mudanayaasha isku soo haray ayaa waxay kala yihiin:
1- Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow)
2- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
3- Cabdiweli Cilmi Cumar (Goon-jeex)
4- Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
5- Cabdulqaadir Cosoble Cali
6- Cabdullaahi Axmed Caddoow
7- Axmed Ismaaciil Samatar
8- Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil
9- Xasan Sheekh Maxamuud
10- Ibraahim Cali Xuseen
11- Maslax Maxamed Siyaad Barre
12- Maxamed C/weli Sheekh Yuusuf Direed
13- Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)
14- Maxamed Cabdullaahi Oomaar
15- Maxamed Axmed Saalax
16- Cumar Salaad Cilmi
17- Cusmaan Maxamed Gacal
18- Siciid Ciise Maxamuud
19- Salaad Cali Jeelle
20- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
21- Yuusuf Garaad Cumar Axmed
22- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Xildhibaannada u codeynaya murashaxiinta madaxweyne oo tiradoodu marba marka ka dambeysa sii kordhayso ayaa waxay hadda maraysaa 242 mudane, iyadoo lagu wado in la dhaariyo 20 xildhibaan oo go’aan ay kasoo gaareen guddi loo saaray inay kasoo tala-bixiyaan.
Yasin Abicar
Daafeet.Com