Urur goboleedka IGAD ayaa si diiran u soo dhoweeyay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee uu xalay ku guuleystay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee IGAD Mahbub Macallin ayaa lagu sheegay in maalintii shalay ay u ahayd ummadda Somaaliyeed maalin weyn oo taariikhi ah, kaddib markii loo doortay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud taasi oo lagu qabtay gudaha dalka.
Mahbub Macallin wuxuu sheegay in ay u hambalyeynayaan madaxweynaha cusub iyo shacabka Soomaliyeed, isla markaana ay IGAD la garab taagan tahay Soomaalida sidii ay ku heli lahayd nabad iyo xasillooni.
Yasin Abicar
Daafeet.com