Maddaxweynaha maamul goboleedka puntland oo soo dhaweeyey doorashada maddaxweynaha cusub

0
122

Maamul goboleedka Puntland ayaa soo dhaweysay madaxweynaha cusub ee soomaaliya mudane Xasan Sh.Maxamuud oo shaley gelinkii dambe ku guulaystay kursiga Madaxweynenimada dowladda Faderalka soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamul goboleedka puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo warbaahinta la hadlay waxaana uu shaac ka qaaday in ay si weyn usoo dhaweynayaan guusha ay soomaaliya gaartay ee ay ku dooratay Madaxweyne Cusub.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in tani tahay isbadal muuqda oo usoo hoyatay ummada soomaaliyeed wuxuuna u hambalyeeyey  madaxweynaha cusub ee soomaaliya loo doortay,wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey xildhibanada soomaaliya sida diiran ee ay ugu dhabar adaygeen xiliga doorashada iyo go,aanka wax ku oolka ah ee ay ku doorteen madaxweynaha cusub.

Shacabka soomaaliyeed mmeel walba oo ey joogaan waxaa ey si weyn ugu faraxsan nidaamka cusub ee ay ku talabsatay ummada soomaaliyeed oo ka baxaysa habkii hore ee KMG ahaa.

Yasin Abicar

Daafeet.Com