Laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan Ugu yaraan toban qof , tobaneeyo kalena way ku dhawacmeen , waxaana dadka dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.
Xilligii ay qaraxyadu dhacayeen ayaa waxaa hoteelka ka socday shir ay lahaayeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri, wafdi ka socday Midowga Afrika iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.
Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xiray hoteelka iyo agagaarkiisa, waxaana ay qaraxyadu dhaceen iyadoo uu hadlayay madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray isaga iyo wafdigii hoteelka ku sugnaa.
Dhaawacyada ayaa waxaa ku jiray saddex askarta AMSIOM ka tisan iyo ciidammo kale oo Soomaali ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad shacab oo qaarkood ku jiray gudaha hoteelka, halka kuwo kalena ay ku sugnaayeen dibadda hoteelka.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarradan iyadoo sheegtay inay la heleen halkii ay bartilmaameedsanayeen, balse ma aysan sheegin khasaare ay ku geysteen, waxaana bayaan ay soo saareen ku sheegeen inaysan aqoonsanayn madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Yasin Abicar
Daafeet.Com