Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa soo dhaweysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Isniinta doorasho ka dhacday Muqdisho uu cod aqlabiyad ah uu ku guuleestay.
War ay soo saartay Mrs. Clinton ayey hambalyo ugu dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxana ay tiri waxa u taallo shaqooyin adag oo ay ka mid tahay in uu soo dhiso dowlad karti leh oo wax ka qabata xaaladda Soomaaliya.
Waxa ay ku tilmaamtay doorashada ka dhacday Soomaaliya mid taarikhi ah oo soo gabagabeysay xilliga KMG ah ee ka jirtay dalka ku yaala geeska Africa.
Waxa ay tiri waxa shaqo adag qabtay Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxa aan u mahadcelinayaa midowga Africa, QM iyo urur gobaleedka IGAD kuwaasoo soo maray waqti badan oo aad u adag.
Daafeet.Com