Waxaa Xaalad cabsi ah ay soo wajahday Soomaalida ku Nool Dalka Kenya kadib markii Ciidamada Dalkaasi ay baaritaanno ka bilaabeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.
Wararka waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay baaritaanadaasi ku soo qabqabteen Walxaha Qarxa sida Bambooyinka gacanta iyo sidoo kale Miinooyin kuwaasi oo laga soo helay qaar kamid goobihii ay baaritaanadasi ka sameeyeen .
wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada ay Xaafadda Islii ay u baarayaan Guri guri isla markaasina ay arintaasi ka dambeysay kadib markii sida ay Sheegeen ciidamada loo soo bar tilmaamey.
Howlgalka ayaa ah mid wali ka soconaya Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii oo ay ku hareerey sanyihiin Ciidamada la dagaalanka Arga gixisada ee Dalkaasi Kenya .
Daafeet.Com