Gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay kak socdaan degmada afgooye howlgalo balaaran oo lagu sugayo amaanta.
Waxa uu sheegay in ay wali ku raad joogaan ciddii ka dambeysay Qaraxaasi waxaana uu tilamaamay in ay socon doonaan Howlgalladaasi ilaa ay gacanta uga soo dhigaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxa waxaana uu sheegay in ay ka warbixin doonaan markii ay howlgalladaasi soo dhamaadaan .
Shalay ayaa qarax xoogan wuxuu ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana qaraxaasi uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya goobaha ay gacanta ku haayaan ciidamada dowlada ayaa waxaa masuuliyadooda sheegta kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Daafeet.Com