Bananbax lagu taageerayo maddaxweynaha cusub ayaa maanta ka dhacay degmadada shangaani ee magaalada muqdisho kaasoo ey isugu soo bexeen dad aad u fara badan kaasoo ey soo qaban qaabiyeen maamulka degmada shangaani.
Goobta uu bananbaxa ka dhacay ayaa waxa ka hadley masuuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Shangaani Cali Hamari kaasi oo sheegay in Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya looga baahan yahay inuu la yimaado cadaalad oo uu dalka ku dhaqo.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan kaasi oo sheegay in ujeedka ka dambeeya bananbaxa maanta uu yahay in shacabka ay muujiyaan dareenkooda ku aadan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay u oomanaayeen inay helaan isbedel dhanka hogaanka ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.
Daafeet.Com