Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada oo la wareegey gacan ku heynta deeganka Biibi

0
75

Taliska ciidamada AMISOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda oo is-garabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biibi oo ku dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in howgal ay sameeyeen ciidamadooda iyo kuwa Somalia ay ku qabsadeen deegaankaas oo ay ku sheegeen mid muhiim ah, inkastoo aysan jirin war arrintan ku saabsan oo weli kasoo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay afar qof oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen saraakiil hoggaaminayay dagaalka.

Taliyaha guud ee ciidamada AMSIOM, Jen. Andrew Gutti oo hadlay ayaa sheegay in qabsashada deegaanka Biibi ay tahay mid ay ku adkeynayaan ammaanka dadka ku nool deegaankaas iyo kuwa ku dhow.

Daafeet.Com