Maddaxweynaha maamul goboleedka puntland oo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada

0
78

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goordhow isku shaandheyn ku sameeyay golaha xukuumadda maamulka Puntland iyadoo qaar wasiirada ka mid ahna ay boosaskoodii waayeen.

Wareegto maanta [15/09/2012] ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Garowe ayaa lagu shaaciyey isku shaandheyntan. Waxaana xubnaha boosaskooda waayey ka mid ah;-

1- Caasho Geelle Diiriye

(Wasiiradii haweenka oo gebi ahaan aan ku soo noqon xukuumadda) Waxaana booskeeda lagu bedelay Xaliimo Xasan Xaaji Cismaan.

2- Axmed Cali Askar

(Wasiirkii warfaafinta oo gebi ahaan aan soo laaban), waxaana lagu bedelay Maxamuud Caydiid Ibraahim.

3- Xasan Faarax Jaamac “Geerash”

(Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha oo aan soo laaban) waxaana lagu bedelay Cali Axmed Gamuute oo horey u ahaa wasiirka duulista hawada.

Sidoo kale waxaa booska baneeyay xubnaha kala ah; Cali Saalax Aadan, Cabdi Yaasiin Maxamed, Maxamuud Faarax Maxamuud iyo Faarax Seed Cilmi oo dhamaantood ahaa wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal.

Wareegtada isku shaandheynta ee madaxweyne Faroole ayaa soo baxday saacado ka hor safar uu maanta ku tagi doono magaalada Muqdisho halkaasoo uu kaga qeybgali doono caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo berito xilka la wareegi doona.

Daafeet.Com