Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay ka baxday KMG ay u gudubto xilli ay talinayso dowlad joogto ah.
Shariif Sheekh ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay si wanaagsan ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo habalyo gaar ah u diray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inaan la’aantood la gaari lahayn in maanta la qabto munaasabadda caleemo-saarka ah.
Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu xilka si rasmi ah ugu wareejiyo maanta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isagoo uga digay shacabka inay ka horyimaadaan dowladda la dhisayo.
Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya waxaa kaloo uu wareejiyay dukumiintiyadii uu ku shaqeynayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu hambalyeeyay howl wanaagsan.
Daafeet.Com