Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahin Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hada qorshaha ay wadaan uu yahay inay la wareegaan deegaano ka tirsan Gobalkaasi.
Wuxuu sheegay in deeganada kala ah Cadala, Raage Ceele oo ay hada maamulaan Ururka Al-Shabaab qorshohooda uu yahay inay si rasmi ah halkaasi ula wareegaan islamarkaana ay ka saaraan Ururkaasi Shabaab.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay jiraan howlgalo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deeganada Gobalkaasi ay gacanta kaga hayaan ciidamada dowlada.
Wuxuu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay sugidda dhanka ammaanka deeganada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inkastoo uusan sheegin cid ay kusoo qab qabteen howlgalkaasi.
Daafeet.Com