Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ujeedada wafdigan Turkiga maanta ka yimid ay usoo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay inay ka qeybgalaan Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Maanta Magaalada Muqdisho waxaa kusoo qulqulaya wafuud kala duwan kuwaasi oo ka qeybgalaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la hakiyay duulimaadyada shacabka ay kaga dhoofayeen Muqdisho iyo kuwii kasoo dagi jiray intaba.
Daafeet.Com