Dagaalo culus ayaa waxaa ey ka dheceen inte u dhexeeya magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, inta la ogyaha ila iyo hada waxaa dagaaladaasi ku dhintey 45 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Dagaalladan ayaa qarxay markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Raaskambooni ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Birta-dheer iyo Jannaay-cabdalla.
Al-shabaab ayaa dhankeeda waxay sheegtay inay dagaalkaas ku dileen askar fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tirsan, balse kama aysan hadlin khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka jira xaalad aad u kacsan; iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in saraakiishii Al-shabaab ee ku sugnaa degmadaas ay qaarkood isaga baxeen xalay, iyadoo la sheegay inay laba jaho u baxeen.
Xarakada Al-shabaab ayaa isku dayaysay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore inay difaacato magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaasoo lagu sheego meesha ay ka hesho dhaqalaaha ugu badan ee ay ku dagaalanto.
Daafeet.Com