Ergeyga gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay rajeynayaan in golaha wasiirrada cusub ee la soo magacaabi doono ay isugu jiri doonaan xubno ku cusub siyaasadda Soomaaliya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay oo leh khibrad siyaasadeed.
James wuxuu sheegay in dowladda cusub laga filayo sii wadidda horumarka muuqda ee la gaaray sida dowlad wanaagga, isla xisaabtanka iyo adeggyada bulshada.
Isagoo ka hadlayay taageerada Maraykanka uu u hayo dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuu tusaale u soo qaatay warkii qoraalka ahaa ee xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Hillary Cllinton, ay ugu hambalyeysay madxweynaha cusub.
Wuxuu sheegay inay dowladdiisa sii xoojin doonto kaalmada bini’aadannimo ee ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaallada ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Daafeet.Com