Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay beesha caalamka ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dal waliba oo aduunka ka tirsan oo burbura uu u baahan yahay kaalmada caalamka si dalka uu uga soo kabsado burburka soo gaaray.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka kaliya ee mudada fog ay ka jireen dagaalada balse sida uu carabaabay iminka kasoo kabsanaya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan wuxuu ka jeediyay shalay xaflad ballaaran oo lagu caleema saaraye taasi oo ay kasoo qeybgaleen madax kala duwan.
Daafeet.Com