Maddaxweynaha dowlada jabuuti oo ka hadley sida ey ugu faraxsan yihiin horumarka ey gartey somaliya

0
43

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay ka hadlay xafladdii caleemasaarka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Djibouti ay ku faraxsan yihiin habka ay doorashada madaxtinimada Soomaaliya u dhacday, waxaanu tilmaamay in madaxweynaha cusub ay hor yaallaan howlo adag oo ay tahay inay shacabka ku taageeraan.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu bogaadiyay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay inuu Soomaaliya ka saaray kumeel-gaarnimadii, taana uu abaal uga hayo qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in madaxweynaha cusub ay kala shaqeeyaan horumarinta amaanka, si arimaha kale ay u fududaadaan.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ballan-qaaday in shacabka iyo dowladdiisa ay garab istaagi doonaan madaxweynaha cusub.

Daafeet.Com