Wasiiro ka tirsan maamul goboleedka puntland oo maanta la dhaariyey

0
62

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa maanta lagu dhaariyay wasiirro uu dhowaan madaxweynaha maamul goboleedka Puntland magacaabay kaddib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Wasiirada la dhaariyay ayaa dhamaantood ahaa kuwo lagu badalay wasiiro dhawaan uu xilka ka qaaday Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Waxay kala yihiin wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir, wasiiru-dowlaha deegaanka, dalxiiska iyo duur-joogta, Saleebaan Maxamuud Siciid, Wasiir ku xigeenka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Axmed Ibraahim Cabdiraxmaan, Wasiir ku xigeenka shaqadaha iyo shaqaalaha, Yuusuf Cali Siciid, Wasiir ku xigeenka waxbarashada, Jaamac Yaasiin Jaamac iyo wasiir ku xigeenka haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska, Caasho Maxamed Axmed.

C/raxmaan Faroole oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu marar badan sameeyay isku shaandheynta golaha wasiirada wuxuuna sheegay in arintani ay qeyb ka tahay howlaha maamulkisa, wuxuuna kula dardaarmay xubnaha cusub inay howshooda si daacad ah oo karti leh u gutaan.

Daafeet.Com