Bandow ayaa xalay ka dhaqan galay magaalada Dhuusamarreeb, kaas oo ay maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada ay shaaciyeen inuu socon doono muddo shan habeen ah.
Bandowga ayaa billowday siddeeddii fiidnimo ee xalay, waxaana uu ku ekaa 5-ti aroornimo.
Taliyaha kuxigeenka ciidanka ammaanka ee Dhuusamarreeb, Nuur Maxamed Cilmi ayaa sheegay inay ka war heleen in ay dad damacsan inay ammaanka qalqal geliyaan, wuxuuna u jeediyay digniin.
Nuur Maxamed Cilmi ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in aan hubka magaalada lala dhex mari karin, maamulkana ay mamnuuceen in la qabto shirar aysan ka warhayn.
Daafeet.Com