Ciidamada dowlada iyo kenya oo kusii dhawaanaya magalada ksimaanyo

0
50

Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin magaalo xeebeedda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaasoo ay kumannaan qof oo ku noolaa ka barakacayaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay isaga baxayaan Kismaayo, iyadoo aan la maqlin tan iyo xalay idaacaddii ku hadli jirtay afkooda ee Andulus, taasoo baahin jirtay wararka ku saabsan Al-shabaab iyo dagaallada ay kula jirto ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugna Kismaayo ayaa laga soo xigtay in mararka qaarkood laga maqlayo degmadaas qaraxyo waaweyn oo aan la garanayn halka ay ka dhacayaan, balse afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) ayaa sheegay in xoogaggoodu ay jabiyeen kuwii dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa sheegtay maanta oo talaado ah in dad aad u fara badan ay ka barakacayaan Kismaayo, iyadoo sheegtay inay hayso qiysaasta 4,400 qof oo ka baxay degmadaas si ay uga nabadgalaan colaadaaha kusoo wajahan.

Afhayeenka Milateriga Kenya Oguna ayaa sheegay inay shacabka mar hore ka codsadeen inay ka baxaan magaalada Kismaayo iyo goobaha kale ee laga yaabo in lagu dagaalamo, wuxuuna ka bixitaankaas ku tilmaamay mid ay dadkaas naftooda ku nabadgelinayaan.

Ugu dambeyn, Oguna wuxuu sheegay in taas ay u yeesheen si aysan Al-shabaab shacabka uga dhigan gabbaad ay madaafiicda kasoo dhex tuuraan. Laakiin xubno ka tirsan saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka ku sugan ayaa shacabka ugu baaqay inaysan guryahooda ka bixin.

Daafeet.Com