Wasiirka arimaha dibada dalka Kenya ayaa shaley ka dhawaajiyay in qaraxii lagu weeraray Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug lahaa Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa si kulul uga hadlay Shariif Sheekh Axmed.
Isaga oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay warka uu sheegay wasiirka arimaha dibada Kenya inuu yahay mid been abuur ah islamarkaana aysan waxba ka jirin.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in xilliga dowladda Kenya wasiirkeeda arimaha dibada qadka telefoonka uu kula hadlaaye uu kula hadlay arimaha doorashada iyo inay si cadaalad ah u dhacdo.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladiisa wax badan ay soo qabatay islamarkaana dalka ammaan ay ka dhigtay.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaad moodaa in dowladaha deriska nala ah ey si aan caadi eheyn u walaaqayaan siyaasada dalka somaliya si ey u gaaraan danaha gaar ahaaneed ee ey ka leeyihiin taaso mararka qaarkood wax lala yaabo ah sida uu ku ogaadey wasirka arimaha dibada ee kenya in qaraha ka dambeeyo maddaxweynihii hore madama ey sheegteen qaraxaasi iney masuul ka ahaayeen alshabab.
Daafeet.Com