Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ka bixitaanka magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig badan oo daata, xilli ay ka jirto magaaladaas cabsi weyn dadkuna ay ka barakacayaan.
Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay inay xoogaggoodu weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo, wuxuuna warbaahinta caalamka ku eedeeyay inay baahiyeen warar been ah oo aanay waxba ka jirin, iyaguna aysan ka bixin Kismaayo, ayna difaaci doonaan.
Afhyeenku wuxuu beeniyay in xalaad kacsanaan ah ay ka jirto Kismaayo, isagoo ku sheegay xaaladda Kismaayo mid daggan ganacsiguna uu si caadi ah uga socdo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Jubbooyinka inay qayb ka hortagga duullaan uu sheegay inay magaaladaas kusoo qaaday dowladda Kenya.
Afartii maalmood ee ugu dambeeyay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Kenya kuwa dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo degmada Kismaayo, iyadoo dagaalladaas ay guulo waaweyn ka sheegteen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Daafeet.Com